Qasaaraha askar Kenyan ah oo ku geeriyootay dagaal ka dhacay waqooyi dalkaas ayaa sii kordhaya, iyadoo la helay meydadka askar dhowr ah oo gaaraya 26-askari.
Dadka deegaanka ee ku nool deegaanada waqooyi ayaa sheegaya inay jiraan weeraro dheeraad ah oo ka dhacay gobolka, iyadoo maalintii labaad uu socdo dagaal u dhaxeeya Ciidamada Booliska kenya iyo Burcada lo’da dhacda.
Ilo ku dhow dhow Booliska ayaa sheegaya in meydad hore oo la helay ayaa tirada gaarsiiyay 29-meyd, kuwaasoo 26-ka mid ay yihiin boolis halka saddex kale ay yihiin burcada.
“18-keyd ayaa la helay saaka barqadii, 15-ka mid ah waa boolis”ayay u sheegeen dadka deegaanka Wakaalada Wararka ee AFP.
Goob joogayaal ayaa sidoo kale u sheegay AFP in kooxaha hubeysan ay u aeegsadeen ciidamada booliska hub culus iyo qarax.
Dagaalka ayaa ka dhacay deegaanka Baragoi ee waqooyiga dalkaas, maalin kadib markii booliska isku dayeen inay soo qaadaan meydadka.
In ka badan 20-ruux oo rayid ah ayaa lagu dilay dagaalka maalinta soconayay, waxaana burcada dhaca u geysta xoolaha Lo’da ay sameynayeen weeraro dheeraad ah.
Burcada dhaca u geysta L’oda iyo kooxaha ka soo jeeda ee deegaanka ayaa sanad kasta dagaalo ku dhex mara waqooyiga dalkaas.
Qasaaraha Booliska ka soo gaaray weerarkaas ayaa noqonaya kii ugu xumaa ee abid Ciidamada booliska Kenya ka soo gaara dagaal ka dhaca gudaha Kenya.
Meydadka askarta ku geeriyootay dagaalada ayaa maanta lagu wadaa in loo soo qaado magaalada Nairobi ee dalka Kenya.