Wednesday, May 22nd, 2013
Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

Qorshii Lagu ansixinlahaa Xukuumad Cusub oo Baaqaday

Published on November 12, 2012 by   ·   No Comments Waxaa Aqrisatay833

Waxaa mar kale dib u dhac ku yimid barnaamijkii Xukuumada ay ku horkeeni laheyd Baarlamaanka Soomaaliya, oo maalmahan fadhi aan kala go’ laheyn ku leh Xarunta Golaha shacabka, kaasoo ay uga doodayaan xeer hoosaadka uu ku shaqeynayo Baarlamaanka.

Gudoonka Baarlamaanka ayaa ku macneeyay dib u dhaca barnaamijka Xukuumada inuu yahay mid ku yimid wafdi caalami ah oo maanta ka soo qeyb galaya kulanka baarlamaanka, iyadoo wafdigan ay ka socdaan baarlamaanada dalal aan wali la shaacin.

Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa goor dhow loo fasaxay in salaada duhur dukadaan, dabadeedna ay dib isugu soo laabtaan, si wafdiga caalamiga ay hadalo ugu jeediyaan.

Baarlamaanka ayaa horay uga dalbaday dalalka baarlamaanada ay saaxibada yihiin Soomaaliya inay gacan ka geystaan sidii loo hormarin lahaa baarlamaanka Soomaaliya, isla markaana ay ka gacan siiyaan horumarinta adeegyada caalamiga.

Dib u dhacan mar kale ku yimid qorshihii lagu horkeeni lahaa xukuumada baarlamaanka, ayaa noqonaya mid caqabad ku keenaya dadaalkii Ra’iisul Wasaaraha uu ku doonayay in kalsooni uga helo baarlamaanka, inkastoo Xildhibaanada ay wali dalbanayaan in Xukuumada oo dhameystiran la horkeeno.

Readers Comments (0)




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Heestii Ha-iraadsan

.