Saturday, May 18th, 2013
Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

Yuhooda Oo Kor Dhisey Duqeynta Gaza Iyo madaxwayne Obama Oo Tageeraya Duqeynta dowlada Fastiin (MAQAAL).

Published on November 19, 2012 by   ·   No Comments Waxaa Aqrisatay442

Dawladda yahuuda  ayaa wali wadda duqayn cirka iyo dhulka oo ay malintii 5 si xirriir ah ay ugu hayso marinka gaza.

sarakiisha dhanka caafimaadka ayaa sheegay in 3 ciyaal ah oo ku jiro ilmo 18 bilood ay geeriyoodeen kadib weerar cirka ay yuhuuda ku qaaday xero qaxooti ee ku yaala bartamaha gaza,

dhanka kale dagaal yahanada xamaas ayaa gantaalo xoogan ku weerartay deegaanada ay dagaan yahuudu oo ay ku jirto magalda talaafiif walow ay intooda badan ay fashiliyeen aaladaha casriga ah ee lidka-gantaalada ee yahuudu.

ciidama cirka isreal waxay weerar xalay ku bartilmaameedsadeen goob saxafada maxaliga oo ay joogeen koox wariyayaal ah waxaana halakasi ka dhashay khasaaro isugu jiro dhaawacyo fudud iyo kuwo culus soo gaaray saxafiyiintii xaruntyaasi ku sugnaa iyadoona ay satraakiisha israel ay ku andacoodeen in ay bartilmaameed sanayeen anteenooyin dhaareer oo ay ku sheegeen inay isticmaalayeen dagaalyahanada xamaas si ay u fududeeeyaan xiriirkooda.

Ugu yaraan 6 wariye ayaa ku dhawacmay duulaankaasi ay yuhuudu ku qaaday xarun warbaahineed oo ay leedahay Tv-ga al-qudus oo ku yaal deegaanka gaza ‘ sida uu u sheegay wargayska AFP afhayeen u hadlay wasaarada cafimaadka ee xukuumada falastiin.

Goobjoogayaal ayaa kusoo waramaya in khasaaaro xoogan u soo gaaray dhismihii tvga iyadoona 2 jeer oo isku xigta ay la duqeeyay dhismahaasi  kuyaala marinka gaza

Maalintii axada ahayd  ayaa weerar nuucan oo kala ah  lagu qaaday dhowr xarumo warbaahineed oo ay ku jiraan xarumaha SKY NEWS, AL-ARABIYA, IYO tv ku hhadla afka ururka m/mule ee xamas oo lagu magacaabo al-aqsa tv waxaana halkaas ku waxyeeloobay tiro saxafiyiina.

Israel ayaa sheegtay inay qaaday in ka badan boqol iyo siddeetan weerar tan iyo xalay habeen barkii oo qaarkoodna ku la dhaceen xafiislka raysul wasaarah falstiin . Waxayna sheegtay inay qasaaro wayn u gaysatay godad loo isticmaalo in madaafiic Israel looga soo rido, oo ay ku jiraan magaalooyinka Tel Aviv iyo Qudus (Jerusalem)

Dhinaca kale raiisul wasaaraha yuhuuda  ayaa sheegay inay  balaarin doonaan weerarad ay ku hayaan gaza dhawaana ay diri doonaan tiro badan oo ciiidamada lugata ee xakuumada isreal si buu yiri ay u baraan xafadaha ku yaal gaza taaso ay walaac badan ka muujiyeen shacabka gaza oo kuk andacoonayaa inay si murjin doonta xalda qalafsan ee hadda jirta.

Madaxwaynaha masar ayaa dhankiisa  muujiyay ififaalo muujinnaya in sacaadaha soo aadan la gaarti doono is afgarad laguu jiijinayo duulaanka gaza waxaana isa soo tarayay dhaleecaynta ay soo jeedinayaan madaxda islaamka iyo waliba booqashooyin ay qaarkood ku tagaayaan magalda gaza si ay u soo eegaan xadiga uu le’egyahay khasaaraha dulaanka wali aan istaagin ee yhuudu ku hayso gaza.

Dhawaan waxaa gaza tagay ra’iiasul wasaaraha masar iyo waliba wasiirka amuuraha dibada ee tunusiyo waxayna xukumadda qahiro ku han jabtay inay furi doonto marinka gazza si loo gaarsiiyo deeq dadka reer falastiin hadanan joogsamin duqaynta.

Ururka xamaas ayaa wacad ku maray inay laba jibaari doonaan weerarad ganaatalda ah ay ku hayaan deegenada israel iyagoona maanta tuuuray in kabadan 10 gantaal walow qaarkood la fashiliyay, taasina waxay dharbaaxo ku tahay xukuumada tal-fif o tageero ka halaysa xukumadda washigton

Dhinaca xukuumada washigton ayaa la dhacsan duulaanka ay isreal ku hayso marinka gaza waxaana xiriir dhanaka taliffonka oo maalimahanba ay yeelanayeen madaxayna maraykanka iyo raiisul wasaarha yuhuuda isku af garteen inay jawib tahy in la wiiqo awooda ururka xamaas.

Saraakiil dhnka amaanka u qaabilsan aqalka cad oo ka gaabsaday magacooda ayaa hoosta ka xariiqay in madaxdawynaha maraykanku u arko duulaanka gaza mid ay isreal ku difaacayso nafteeda uuna aaminsan yahay waa madaxwaynha maraykankee in weerarkan uu yimi kadib markii dagaalyhanada xamaas ay weerar gantaalo ah ku qaadeen tuulooyin ku yaala israel taasina ka jawab celinayso xumada talaafiif,  hase ahaata obama ayaa ka jiir danqnaya khasaraha nafeed ee soo kala gaaray labada dhinac sidaas awgeedna ay tahay in lasoo hindiso nadaam ka gadisan kan ay wax ku socdaan aminka.

Laakiin sariikaashan amaanka ee AQALKA CAD ayaa ka biyo diiday in ay xukuumada israel qaado tilaabo kasta ayna kalifi doonto inay suaalo ka yimaadan haydaha xaquuqul insaanka sidaa darteedn ay ceeb ku ahaandoonto xukuumada washinton garaba= sitaageeda aan ka fiirsiga lahayn ee weerarada ay yuhuudu ku hayso gaza waxayna ku talbixiyeen sarakiishu in la xakameeyo dhibaatooyinka ay gaysanayaan askarta israel.

 

 

Waxaa soo diyaariyay maqaalkan

Wariye Yuusuf abdi shire (koronto)

Email-Koronto111@gmail.com

Tell-+252615760044

Cabudwaaq/somalia

Readers Comments (0)




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Heestii Ha-iraadsan

.