Maalinamidii shalay ayaa waxaa deegaanka qalimow ka ruqaansaday ciidamada dowlada soomaaliya oo garab melatari ka helaya kuwa nabad ilaalinta soomaaliya u jooga ee amisom iyagoona u jiheystay dhanka jowhar oo ay kusuganyihiin al-shabaab waxayna ciidamada durba gaareen meel jowhar u jirta wax ka yar 18km balse ciidamada ayaa halkaa ku hakaday
saraakiil ka tirsan ciidamada melatariga ayaan wax ka weydiinay sababta ciidamada ay u hakadeen balse waxay noogu soo gaabiyeen inay tahay xeelad melatari
warar hoose oo lagu kalsoonyahay oo aan helnay ayaa xaqiijinaya in ciidamada dowlada iyo kuwa amisom ay hakad galiyeen hore usocodkoodii taas oo lagu sababeeyay in ay ka war heleen in ccidamo fara badan lasoo doobay afaafka hore ee jowhar kuwaa oo ka tirdsan al-shabaab waxaana wararka ay intaasi ku darayaan in taliska ugu sareeya ee dowlada ay joojiyeen ciidamada si uusan halkaas dagaal uga dhicin qasaarana uusan uga soo gaarin dadka rayidka ah ee ku dhaqan halkaas
sidoo kale warar kale ayaa sheegaya in ciidamadaas hakadkooda uu sabab u yahay xil wareejinta laguu sameenayey golaha wasiirada kuwaas oo wasiiradii hore ay xilka ku wareejinayeen kuwa lasoo magacaabay wasaaradahaas la wareejinayeyna waxaa kamid ahay wasaarada gaashaandhiga oo uu la wareegay nin horay usoo maray wasaaradaas
lama oga goorta ay ciidamada iskaashanaya ee horay u dhaqaaqi doonaan
w/q: osman ad’ed osman
shabakada warbaahinta laanta.net