Saturday, May 18th, 2013
Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

Golaha wasiirrada ee soomaaliya oo maanta kulankoodii Ugu Horeeyay yeeshay (Dhagayso)

Published on November 22, 2012 by   ·   No Comments Waxaa Aqrisatay450

Shirkii ugu horeeyay ee ay magaalada Muqdisho ku yeeshaan Golaha wasiirrada Soomaaliya waxaa shir guddoominayay Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid” waxaana looga dooddayay qorshaha cusub ee Xukuumadda hor yaala qeybta ugu horeysa uguna muhiimsan, sida amniga iyo hantida Qaranka.

Wasiirka Warfaafinta iyo Isgaariinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane C/llaahi Ciilmooge Xirsi oo saaxafadda warbixino ka siiyay shirkii golaha wasiirrada ee maanta iyo Qodobbada ay diirrada ku saareen, waxa uuna tilmaamay in laga hadlay sidii loola jaan qaadi lahaa isbaddelka cusub sida wax ka qabashada ammaanka iyo dowladda wanaagga oo ah saldhigga dowladda Soomaaliya, isagoo intaa raaciyay in qodobbada muhiimka ahaa ay ka mid ahaayeen sidii loo soo celin lahaa hantida Qaranka Soomaaliyeed ee dalka iyo dibedba ku maqan.

Golaha Wasiirada ayaa waxaa horyaala howl fara badan, oo ay ka mid tahay ammaanka, iyadoo labadii maalmood ay wasiirada la wareegayeen xafiisyadooda, kadib markii todobaadkii hore si rasmi loo dhaariyay.

 

Hoos kadhagayso Codka.

Riix Halkan si Aad U dhagaysato Codka wasiirka warfaafinta c laahi cil mooge.

 

Www.laanta.net

Laanta News Online

Xafiiska Muqdisho /Somalia

Readers Comments (0)




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Heestii Ha-iraadsan

.