Nabadoon Muxumed Sheekh Xuseen oo ahaa Gudoomiyhii odoyaasha gobolka Hiiraan oo xilkaasi shalay loo caleemo saaray ayaa maanta waxa kooxo hubeysan ku toogteen bartamaha magaalada Baledweyne iyadoo aan la ogeyn sababta ay u dileen nabadoonka waxaana la sheegay in gacanta lagu soo dhigay kooxihii dilka u geystay nabadoonka.
C/fataax xasan afrax oo ah gudoomiyaha maamulka Gobolka Hiiiraan ayaa waxa uu sheegay in ay ciidamada gacanta ay ku soo dhigeen kooxihii dilka u geystay nabadoon Maxamed Sheekh Xuseen taasina ay fududeysay wada shaqeyn dhax martay ciidamada dowlada ee Baledweyne iyo dadka shacabka ah, waxana ugu dambeyntii suurto gashay in gacanta lagu soo dhigo nimanka dilkan u geystay nabadoonka sharcigana ay u horgeyn doonaan sida ugu dhaqsiyaha badan lagu fulindoono .
Nabadoonka la dilay ayaa waxaa shalay loo caleemo saaray in uu noqdo gudoomiyaha odoyaasha gobolka Hiiraan maanta ay dhacday in lagu toogto dhax bartamaha magaalada Baledweyne lamana oga sababta rasmiga ah ee ka dambeysa dilka nabadoonka iyadoo xiliyadii dambe laga deerinayay amaanka Baledweyne waana markii ugu horeysay oo kooxo dil geysta lagu soo qabto Baledweyne .
Hoos Ka dhagayso Waraysiga
Riix Halkan si aad u dhagaysato waraysiga gudoomiyaha Gobolka Hiiraan
Waxaa waraysanaya wariye Maxamed Cabdulaahi Xasan Dayuurad Oo jooga Xafiiska Shabakada warbaahinta Laanta news Inline Cabudwaaq/somalia