Afhayeenka dhanka howlgalada Kooxda Shabaab ayaa shaaca ka qaaday in Al-Shabaab ay iska caabinayaan dagaalka dhanka warbaahinta ah ee lagu soo qaaday.
Inkastoo Idaacadii Afka Shabaab ku hadlaysay ay ka baxday hawada magaalooyinka waa weyn ee Muqdisho, Kismaayo, Marka, Afgooye iyo deegaano kale hadana waxaa Sargaalkan uhadlay Shabaab uu sheegay in ay sii soconayaan dagaalka dhanka warbaahinta ah.
Sidoo kale Waxaa uu shegay in Shabaab aysan dagaalada joojin doonin ila inta mid kamid ah uu nool yahay ayna hada qorshaynayaan qaab cusub oo ay ku dagaalamaan.
Fu’aad Max’med Khalaf ayaa asna maanta dagmada bardaale salaada jimcaha kadib dadka kula hadlay waxaana uu sheegay inay xarakada al shabaab qabsan doonaan deegaanada farahooda kabaxay asagoona ku tilmaamay majidyada magaalada baladwayne ee xarunta gobolka hiiraan mid ay gaalo qabsatay Ayna noqdeen kaniisado waa sida uu hadalka u dhigay ee.
Hoos kadhagayso Codadka.
Rii Halkan Si”aad Udhagaysato Codka Fu’aad Max’med Khalaf.