Sunday, May 26th, 2013
Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

Arsenal oo laga adkaaday, City oo taako loo dhigay, Liverpool oo hurdada ka toostay iyo kulamo kale

Published on December 1, 2012 by   ·   No Comments Waxaa Aqrisatay605

Kulamadii 15-aad ee Horyaalka Dalkaasi ingiriiska ayaa la ciyaaray iyadoo kooxda Arsenal dhineceeda dhulka la dhigay.

Sidoo kale Manchester City ayaa taako loo dhigay oo barbaro lagu celiyey halka Liverpool ay hurdada ka toostay oo guul ay gaartay.

Haddii aynu ku horeyno kooxda Arsenal ayaa garoonkeeda Emirates Stadium waxa ay ku marti qaaday kooxda Swansea waxaana kulankaasi kooxda Arsenal loogu awood sheegtay 2-0.

Xiddiga Michu ee kooxda Swansea ayaana ka adeegtay Gunners kaasoo labada gool ee lagu canaantay ka dhaliyey.

Sidoo kale kooxda Manchester City ayaa barbaro lagu celiyey kaddib markii naadiga Everton ay ku soo booqatay garoonka ay kooxdaasi ku ciyaarto kaasoo waqtigii loogu talo galay ku soo idlaaday 1-1.

Kooxda Everton ayaa goolka la hormartay waxaana u saxiixay xiddigooda Marouane Fellaini daqiiqadii 33-aad qeybtii hore ee ciyaarta inkastoo gool rigoore ahaa uu ka daba keenay Carlos Tevez daqiiqadii 43-aad qeybtii hore ee ciyaarta sidaasna waqtigii loogu tala galay ay ku soo idlaatay 1-1 oo ay labada dhinac isla dhaafi waayeen.

Dhanka kale kooxda Liverpool ayaa hurdada ka toostay markii kooxda Southampton ay kaga gudubtay 1 – 0.

Daafaca dambe ee kooxdaasi Daniel Agger ayaa hormuud u ahaa guusha Liverpool markii uu goolkaasi guusha u ansixiyey Reds daqiiqadii 43-aad.

 Halkaan hoose ka eego qaabka ay u dheceen kulamada oo dhan

             West Ham    3 – 1    Chelsea

13? Juan Mata (Che) 0 – 1

63?  Carlton Cole 1 – 1

86? Mohamed Diame 2 – 1

90? Modibo Maiga             3 – 1

            Arsenal          0 – 2    Swansea

88? Michu 0 – 1

90? Michu 0 – 2

            Fulham          0 – 3    Tottenham

56? Sandro 0 – 1

72? Jermain Defoe 0 – 2

77? Jermain Defoe 0 – 3

            Liverpool      1 – 0    Southampton

43? Daniel Agger

            Manchester City     1 – 1    Everton

33? Marouane Fellaini 0 – 1

43? Carlos Tevez(Rigoore) 1 – 1

            Queens Park Rangers        1 – 1    Aston Villa

8? Brett Holman 0 – 1

18?  Jamie Mackie 1 – 1 (Q)

West Bromwich Albion     0 – 1    Stoke

75? Dean Whitehead 0 – 1

W/D: Haaruun Yuusuf Khasaaro

Readers Comments (0)




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Heestii Ha-iraadsan

.