Kulan aad u adag oo lagu tilmaamay kulanka mucjisada horyaalka ingiriiska ee xagaagan ayaa waxa uu caawa dhexmaray labada kooxood ee Manchester United iyo Reading.
Kooxda Reading ayaa garoonkeeda ku qaabishay naadiga quwadda weyn ee lagu naynaaso shayaadiinta cas cas waxaana kulankaas uu ahaa mid la yaab leh oo is jiid jiid ahayd iyadoo ciyaartaas intii ay socotay marba koox ay guushu dhankeeda soo mareysay, ugu dambeyntiina waxaa guul gaartay naadiga United.
Machester United guushaan ay ka gaartay kooxda yar ee Reading muhiimad weyn ayey ugu fadhisaa waxay ku fariisatay kursiga hore ee kala horeynta hoyaalka ingiriiska iyadoo saddex dhibcood kaga wada Naadiga Manchester City.
United ayaa goolka looga hor maray, Robson-Kanu oo ka tirsan Reading ayaa ka dhaliyay, hayeeshee Anderson ayaa bar bareeyay daqiiqadii 16-aad, Rooney ayaana ku la beeyay rigoore, lakiin markale Reading ayaa la timid goolkeeda labaad daqiiqadii 19-aad.
Sean Morrison ayaa Manchester United ka dhaliyay goolka Sadaxaad daqiiqadii 23-aad qeybtii hore ee ciyaarta balse Wayne Rooney ayaa markale waa i kan yiri Reading oo ka dhaliyay gool kale ciyaartana ka dhigay 3-3 inta lagu guda jiray daqiiqadii 30-aad.
Robin van Persie ayaa goolka Afaraad ee gacanta u geliyay Manchester United guusha dhaliyay daqiiqadii 39-aad isla qeybtii hore ee ciyaarta, iyadoo qaybtii labaadna wax gool ah aan layska dhallin oo ay ku dhamaatay 4-3.
Natiijadan ayaa ka dhigaysa in Manchester United ay isku kala bixiso horyaalka maadaama lagu wada dhagay kooxaha ku soo xigay Sida City iyo Chelsea.