Inkastoo uu jiro kala duwaanaasho dhanka shaqsiyada ah iyo afkaaraha hadana waxaa jira sifooyin ninku uu aad u jecel yahay in haweeneyda uu ka helo , hadaba shabakada arimaha qoyska alcarabiya.com ayaa ku siineysa xog ku aadan arintaas.
Gabadha Leh Muuqaalkeeda Dabiiciga Ah : muuqaalka banaanka waa meelaha ugu daran ee ninka soo jeeda , waxa uuna ninka ka helaa gabadha leh muuqalkeeda dabiicgha ee waxaad ka fogaataa in aadan ku dheeraan isku qurxinta Makeup-ka taasi oo dhab ahaan daboolaya muuqaalkaadii dabiiciga ahaa .
Midda Bisil Hadalka Wax Ku Oolkana Leh : ninka waa ay soo jeedata haweeneyda bisil taasi oo awood fikradeed siiineysa taasi oo awood u leh in ay hadalka la qeybsato oo arimaha kala xaajoon karta .
Qosolka Macaan gaaw dabeecad ahaan ninka waa cunug weyn waa uuna u bahaan yahay ka qoslinta , ee gabar yaheey caqliga badan ha iloowin in aad ku farxad giliso qoslkaada sixirka ah .
Midda Daryeelka Badan Oo Xanaanada leh : ninka mar warliba waxa uu baahan yahay daryeel iyo xanaano si waliba ay d`diisu tahay ee gabrayaheey si wacan u daryeel ninkaada.
Midda Isku Kalsoon: inkastoo haweeneyda ku qurxoon tahay in ninkeeda kula hor muuqato mid daciif ah hadana ninka waa uu jecel yahay haweeneyda xoogan iskuna kalsoon , taasi oo awood u leh in arimaheeda iyada dabirato .
Midda Wax Fahmeysa : isku day mar waliba in ninkaada faahnto iyo ficilada ninkaada si caqliyeysan u aragto , hana ku weerarin ficil waliba oo ka dhaca

Midda Runta Iyo Daacadnimada Badan : u ahaaw mid daacad ah riun badan , xitaa erayada yar yar been ha uga sheegin ninkaada
Midda Dhiira Gilinta Badan : ma jiro qof aan u baahyneyn dhiira gilin si arimaha hor yaal ugu dhiirado hadaba ha iloowin in ninkaada mar waliba dhiira giliso .
Osman Fantastic
xigasho alcarbiya