Tuesday, May 21st, 2013
Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

Tababare Ferguson oo sheegay in Mourinho uu yahay ninka ka badalaya shaqadiisa!

Published on December 3, 2012 by   ·   No Comments Waxaa Aqrisatay172

isniin, 03-12-2012.

Tababaraha da’da ah ee kooxda Manchester United Sir Alex Ferguson ayaa ka dhawaajiyey macallinka ka badali doona shaqada kooxdaasi.

Wuxuu sheegay Macallin Ferguson in macallinka shaqadaas ka badly doona inuu yahay tababaraha Man United inuu yahay Jose Mourinho ee Macallinka kooxda Real Madrid.

14 cisho kadib markii labada nin ay ku kulmeen Hotel-ka Lowry Hotel ee magaalada Manchester oo ay Real Madrid ujoogtay kulan ay la lahayd Man City ayuu tababare Fergie sheegay in Mourinho uu yahay macalinka xiga ee qaban doona United.

Mar la weydiiyey 70- jirka layliya kooxda Man United Sir Alex Ferguson sida uu u arko haddii uu ka badalo shaqadiisa Macallin Jose ayaa waxa uu yiri “Mourinho waxa uu macallin u noqon karaa koox walba oo adduunka ka dhisan xitaa Manchester United”.

“Ma arkin wali nin la mid ah macallin Jose waxaa uu ku jiraa macallimiinta ugu wanaagsan adduunka, waxa uuna noqon doonaa macallinka iga badali doona halkaan” ayuu hadalkiisa ku soo gabagabeeyey Macallinka kooxda United Sir Alex Ferguson.

Readers Comments (0)




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Heestii Ha-iraadsan

.