Saturday, May 25th, 2013
Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

Puntland oo maxaabiis burcadbadeed kala wareegtay dowladda Seychelles (Sawiro)

Published on December 4, 2012 by   ·   No Comments Waxaa Aqrisatay158

Dowladda Puntland ayaa maanta la  wareegtay shan qof oo xabsi sanado ugu xirnaa dalka Siishalis dambiyo burcadbadeednimo

Maxaabiistan ayaa waxaa soo wareejintoodu ka dambaysay wada hadalo dhexmaray Puntland iyo dowladda jaziiradda Seychelles waxaana lagu wadaa in xabsiyada lagu xukumay inay ku qaataan gobolada Puntland.

Taliyaha ciidamada asluubta Puntland Gen. Cali Nuur Cumar oo ka hadlay garoonka diyaaradaha ee magaalada Bosaso oo maxaabiistan laga soo dejiyay ayaa sheegay maxaabiistu inay hordhac u yihiin laba boqol oo dhalinyaro oo xabsiyo ku yaalla jaziiradda Seychelles ugu xiran faldambiyeed burcadbadeenimo ah.

Madaxwaynaha Puntland ayaa maanta xariga ka jaray dhisme u gaar ah burcadbadeedan in lagu xiro oo lagu soo kordhiyay xabsiga wayn ee magaalada Bosaso, waxaana magaalada Garowe kasocnaya dhismaha xabsiga ugu wayn ee burcadbadeed kaasi oo ay taageerayso hay’adda QM ee la dagaalanka daroogada iyo dambiyada ee UNODC.
Daawo sawirada.


Readers Comments (0)




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Heestii Ha-iraadsan

.