Thursday, June 20th, 2013
Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

Bahlaawi-oo Furka Kutuuray Madaxweynaha iyo Risilwasaraha -Sheegayana In Ay Somagacbeen Rag uu Kusheegay Gacan Kuhdiiglayaal (Top-News)

Published on December 5, 2012 by   ·   No Comments Waxaa Aqrisatay253

Agaasimaha wasaradda warfaafinta Dowladda Soomaliya Mudane C/risaaq Bahlaawi ayaa shaaca ka qaaday inay qalad tahay Madaxweyne Mudane Shiikh Maxamuud Iyo Ra’iisal Wasaare Mudane Cabdi Faarax Shirdoon inay u magacaabaan wasiiro dad dembi ka galay dalka Soomaaliya kuwaasoo qaarkood ay qabaan dadk shisheeye ah.

gaasimaha wasaradda warfaafinta Dowladda Soomaliya Mudane C/risaaq Bahlaawi  oo shaaca ka qaaday in si deg deg ah Golaha SHacabka Soomaaliyeed looga yeeray Wasiirka Difaaca Mudane Cabdixakiin Fiqi Iyo Ra’iisal Wasaare Ku-Xigeen ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda Marwo Fowsiya Xassan Shiikh.

Agaasimaha wasaradda warfaafinta Dowladda Soomaliya Mudane C/risaaq Bahlaawi oo nasiib darro ku tilmaamay in loo magacaabo Wasiirka Warfaafinta Qof aan hawlahan waxba ka garanaynin oo aan wax khibrad ah u lahayn hawlaha warfaafinta iyo duruufaha liita ay u dulqaadanayeen wariyayaasha qaranka kuwaasoo aan mushahar joogta ah la siin.

Agaasimaha Wasaradda warfaafinta Dowladda Soomaliya Mudane C/risaaq Bahlaawi waxuu ku kale uu tilmaamay inay Qaramadda Midooway dhowr jeer isku-dayeen inay su toos ah ula wareegaan maamulka warbaahinta Dowladda Soomaaliya balse ay ka biyo diideen Dad Soomaaliyeed oo khuburo ah kuwaasoo si iskaa wax u qabo ugu shaqaynaayey Qaranka Soomaaliya.

Madaxweynaha Soomaaliya MUdane Xassan Shiilkh Maxamuud waxaan u sheegayaa inuu la shaqeeyo dadkan u shaqaynayey Qaranka Soomaaliya.

Waad Mahadsan Tihiin.
Agaasimaha Wasaradda warfaafinta Dowladda Soomaliya Mudane C/risaaq Bahlaawi
MOqdisho, Soomaaliya

Readers Comments (0)




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Heestii Ha-iraadsan

.