Wednesday, May 22nd, 2013
Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

Alshabaab oo Xeelad Cusub Ugudiyaar Garoobaya Dagaalada -iyo Haweenka oo Markan Horkici Doona+Sawiro (DAAWO)

Published on December 5, 2012 by   ·   No Comments Waxaa Aqrisatay254

Xarakada Al-Shabaab ayaa markan wada qorsho ay ku hubeenayaan Haweenka iyaga taageersan si ay garab ugu siiyaan dagaalada meelaha badan kaga furay Al-Shabaab kuna waayeen gacan ku heynta magaalooyin waa weyn oo muhiim ahaa.

Shabaab ayaan dhawaan Degmada Buulo Burte ee Gobolka Hiiraan dibad bax ka dhacay waxa ay kusoo bandhigeen haween tiro badan oo hubeesan kuwaa oo diyaar u ah in Al-Shabaab garab kusiiyaan dagaalada ay kujiraan.

Haweenkan ayaan loo dhiibay qoryaha fudud ee AK-47 iyo Bistoolado iyagoona sheegay in Haweenkaasi diyaaa u yihiin difaaca diinta iyo la dagaalanka Cadowga Xarakada Al-Shabaab ee kusugan gudaha Soomaaliya.

Al-Shabaab ayaa markii hore waxa ay taageero dhinacyo badan ka heli jireen beelaha ku dhaqan deegaanada ay katalinayeen kuwaa oo siin jiray Wiilal u dagaalama hub iyo lacago balse mudooyinkan dambe ay arintaasi meesha ka baxday taa oo hada keentay in Haweenka hubka loo dhiibo.
Magaalada Muqdisho waxaa qaraxyo ismiidamain ah oo horeey uga dhacay fuliyay gabdho lasoo miidaamiyay oo Shabaab katirsanaa iyadoona inta badan ay Qatar ka imaan karana hablaha Shabaab katirsan oon sidaa looga feejigneen.

Readers Comments (0)




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Heestii Ha-iraadsan

.