Maleeshiyaadka daacada u ah Dawlada Soomaaliyeed ayaa qaarkood waxaa lagu soo tababaraa dalka Ugandha halka qaar kale si toos ah loogu tababaro gudaha dalka Somalia.
Ciidamada Midawga Yurub kuwooda ka hoowl gala Biyaha Somalia ayaa waxaa loogu yeeraa magaca ah European Training Mission in Somalia (EUTM) waxeeyna Dawlada Soomaaliyeed ka caawiyaan dhanka baahida loo qabo Ciidamo soo celiya amniga iyo kala dambeeynta.
Ciidamada (EUTM) oo ka kooban dalalka ugu Tunka weeyn Qaarada Yurub ayaa hadane waxaa Ciidamada Dawlada aad u tababaro Ciidamada ka socda dalalka Finland , Germany ,France iyo Spain. Qaar ka tirsan Maleeshiyaadkii la tababaray ayaa waxa ay afkooda ku qirteen in ay markii hore Qoriga iska wadan jireen balse hada laga soo dhigay Askar buuxdo oo dhanka Ciidamada ku wanaagsan .
Maxamed Shiiraar iyo Cali Kuuloow Maxamed oo ka tirsanaa Ciidamada Soomaaliyeed ee la soo tababaray ayaa waxa ay goobta Tababarka ka cadeeyeen in ay Mustaqbalka dhaw si wanaagsan ugu shaqeeyn doonaan shacabka Soomaaliyeed weliba dalka ka difaaci doonaan Cadawga ku soo duulay ee dadka iyo duunyadaba Qarxinaya.
Halkan Hoose Kadaawo