Waxaa Xalay galab Deegaanka Leego ee Gobolka Sh/Hoose ka dhacay Dagaal u dhaxeeyay Rag xoolo dhaqato ah iyo Ciidamo katirsan Al-Shabaab oo wali kusugan deegaano kuyaala Xadka Sh/Hoose iyo Bay.
Gudoomiyaha maamulka dowlada Somalia ee degaanka Leego Axmed Abuukar ayaa Warbaahinta u sheegay in dagaalka uu ka dhashay kadib markii Al-Shabaab damceen in dadka xoolo dhaqatada ah ay xoolo baad ah ka qaataan sidaana uu dagalaku ku bilowdo.

Waxa uu in taa ku daray Gudoomiyaha in Dagaalkaasi AL-Shabaab loog agubay gaari Caasi ah ay wateen sidoo kale gaarigaasi ay ku dhax geeriyoodeen sadax kamid ah ragii Al-Shabaab ee saarnaa , mana ka hadlin dhanka kale qasaaraha kasoo gaaray dagaalka.
Gudoomiye AXmed Abuukar ayaa sheegay in Ciidamada Dowlada iyo AMISOM ay u garman doonaan dadka xoolo dhaqatada ah isagoona xusay in Al-Shabaab dadka masaakiinta ah ay ku hayaan dhibataooyin aan lasoo koobi Karin ilaah idinkiisna ay ka dul qaadi doonaan.
Majiro dhanka Al-Shabaab wax war ah oo kasoo baxay oo ku aadan in ay dagaal la galeen Rag xoolo dhaqata ah qasaarana la gaarsiiyay, inkastoo caadada Kooxda Al-Shabaab looga bartay ay tahay in aysan ka hadlin arimaha nuucan oo kala ah.