Sunday, May 26th, 2013
Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

Maamul goboleedka Buntland oo Heegan buuxa galiyay ciidamadooda amaanka

Published on December 6, 2012 by   ·   No Comments Waxaa Aqrisatay92

Maamulka Puntland ayaa shaaca ka qaaday inay heegan buuxa geliyeen Ciidamadeeda, isla markaana ay ciidan badan u dirtay deegaanada buuraleyda ah, halkaasoo dagaalyahano ka tirsan Shabaab ku dhuumaaleysanayaan.

Wasiirka Amniga Puntland Khaliif Ciise Mudan ayaa sheegay in ciidamada Puntland ay galeen heegan ku aadan weeraro kaga soo wajahan dhinaca buuraleyda, isagoo tilmaamay in weerarkii habeen hore lagu soo qaaday ay qasaare gaarsiiyeen.

Mr Khaliif ayaa sheegay inay jiraan dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab oo ku sugan buuraleyda Gal-gala, isla markaana beryihii u dambeeyay ay isku uruursanayeen, kadib markii looga itaal roonaaday dagaalada ka socda Koofurta Soomaaliya.

Sidoo kale waxaa uu wasiirka sheegay in meydadka afar ka tirsan Al-Shabaab ka soo qaadeen goobtii dagaalka ka dhacay, ayna aaseen waxaana uu intaa ku daray in dhinacooda uu qasaare ka soo gaaray 12-askari uga dhimatay.

Puntland ayaa horay u sheegtay in dagaalyahano fara badan ka tirsan Shabaab ay u soo guureen buuraha Sanaag, waxaana ay sheegeen inay ciribtiri doonaan, inkastoo dagaalkii habeen hore uu ahaa kii u horeeyay muddo sanad ah oo labada dhinac dhex mara

 

Readers Comments (0)




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Heestii Ha-iraadsan

.