Thursday, June 20th, 2013
Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

al-Shabaab oo weerartay ciidanka Puntland

Published on December 6, 2012 by   ·   No Comments Waxaa Aqrisatay155

Maamul goboleedka Puntland ayaa sheegay in weerarro xalay ka dhacay Puntland oo ay ku soo qaadeen alShabaab ay kaga dhinteen 12 askari oo ka tirsan ciidanka Puntland.

Wasiirka warfaafinta ee Puntland, Maxamuud Caydiid ayaa BBC u sheegay in ciidan ka tirsan al-Shabaab ay weerar ku soo qaadeen fariisimo ay joogeen ciidankooda xalay.

Waxa uu sheegay in ciidankooda ay iska difaaceen al-Shabaab oo ay qaar ka dileen, qaarna ka qabteen, laakiin waxa uu qirtay in dhinacooda dagaalkaasi laba askari ay uga dhinteen, halka tobanka kale ay ku dhinteen bam la qarxay.

Weerarkan ayaa waxa uu ku soo beegmayaa maalin kadib markii al-Shabaab ay weerarro kala duwan ku qaaday ciidanka dowladda Soomaaliya ee ku sugan gobolada Shabeelaha Hoose iyo Dhexe, halkaasi oo labada dhinacba uu ka soo gaaray qasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jira.

By:mohamed ali mohamuud(MCM)

 

 

Readers Comments (0)




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Heestii Ha-iraadsan

.