Hal qof ayaa u dhintay dhaawac ka soo gaaray qaraxii xalay ka dhacay xaafadda Eastleigh ee magaalada Nairobi.
Qaraxa xalay ayaa waxa ku dhaawacmay sideed qof.
Masuuliyiinta dalka Kenya ayaa sheegay in ay aaminsan yihiin in qaraxu ka dhashay miino dhulka la dhigay xaafadda California ee Eastleigh.
Lix ka mid ah dadkii ku dhaawacmay qaraxa ayaa laga saaray isbitaalka magaalada Nairobi, waxaa ku haray hal qof oo qaba dhaawac culus.
Booliiska Kenya ayaa ku eedeeyay qaraxa inay ka dambeeyeen kooxda al-Shabaab.
al-Shabaab kama soo bixin wax war ah oo ku saabsan qaraxan u dambeeyay.
BY:mohamed ali mohamud(MCM)