Sunday, May 19th, 2013
Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

Puyol oo door bidaya in kooxdiisa Barcelona ay isku beegmaan AC Milan!

Published on December 6, 2012 by   ·   No Comments Waxaa Aqrisatay157

Khamiis, 06-12-2012.

Daafaca waayo araga ah ee kooxda Barcelona Carles Puyol ayaa sheegay inuu door bidi lahaa in kooxda Barcelona ay isku soo aadaan Kooxda AC Milan ee Dalka Talyaaniga.

“Waxaan jeclaan lahaa in kooxdayda Barcelona ay ku aado kooxda AC Milan wareega 16-ka ee Champions League” ayuu yiri Daafac adag ee kooxda Barca Puyol.

Markii kooxda Barca ay kaalinta koowaad ku dhameysatay Group-keeda ayaa kabtanka kooxdaasi ee Poyul waxa uu sheegay in kooxdiisa ay ku wacan tahay inay isku soo beegmaaan kooxda ciyaarta Serie A Talyaaniga ee Milan intii ay ku beegmi lahaayeen kooxaha Arsenal, Shakhtar Donetsk, Porto iyo Galatasaray.

Kooxda ku ciyaarta Garoonka Camp Nou kuma beegmi doonto kooxaha reer Spain ee kala ah Valencia iyo Real Madrid iyo waliba Celtic maadaama ay isku Group ka soo baxeen.

Readers Comments (0)




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Heestii Ha-iraadsan

.