Tuesday, May 21st, 2013
Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

Wenger oo sheegay inuu u baahan Henry ilaa dhamaadka Premier League

Published on December 6, 2012 by   ·   No Comments Waxaa Aqrisatay220

Khamiis, 06-12-2012.

Kooxda The Gunners waxaa ay awoodaa in ay laacibkaan heysto ilaa uu ka furmayo horyaalka MLS-ka bisha March ,laakin tababare Wenger ayaa qaba baahi midaas ka badan.

Tababare Arsene Wenger ayaa ubaahan in laacibka ugu goolasha badan taariikhda Arsenal in uu ka sii mid ahaado kooxdiisa inta ka dhiman xili ciyaareedkaan ,si uu ucaawiyo naadiga.

Sida ay qortay jariirada The Sun Henry oo 35 jir ah ayaa imaan doona kooxdiisii hore bisha January ,waxaana tababare Arsene Wenger uu ku fakaraya in uu kooxda New York Red Bulls kala hadlo in ay laacibkaan amah ku siiyaan inta ka dhiman xagaagan .

Baahida weerar ee ka jirta kooxda Arsenal ayaa Wenger ku qasbaysa in uu laacibkaan waya araga ah kooxda ku sii hayo ilaa bisha May .

Waxaa uu la kulmi doonaa maamulka kooxda New York Red Bulls ,kuwaas oo aan la ogeyn sida ay qorshahan ku aqbli karaan madama Henry uu yahay laacibka ay ku fanaan taageerayasha Red Bulls.

Readers Comments (0)




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Heestii Ha-iraadsan

.