Khamiis, 06-12-2012.
Kooxda Chelsea ayaa ka faa’iideysaneysa qilaafka cusub ee soo kala dhex galay laacibka reer Brazil Hulk iyo tababaraha kooxda Zenit St Petersburg Luciano Spalletti.
Laacibkan iyo macalinkiisa ayaa isku dhacay markii uu isku dayay in uu badalo ciyaar ay kaga hor jeedeen AC Milan ,waxaana Hulk uu garoonka dhex diisa ku muujiyay in uusan mardanbe uciyaari dooniun Zenit St Petersburg waxaana uu ku hanjabay in uu kooxda ka tagayo.
Chelsea ayaa hada udhaqaaqday in ay la soo saxiixato laacibkaan kadib markii la sheegay in ay ufuran tahay in ay la xaajoodaan .
Madaama uu Torres ku fashilmay in uu sameeyo wixii looga baahnaa hada Milkiile Roman ayaa udhaqaaqi doonaa laacibkaan lugta bidix ku ciyaara ,waxaana uu ku heli karaa qiimo ka yar midkii uu ku rabay.