Qarax nooca Miinada dhulka lagu aaso ah ayaa waxa uu maantay ka dhacay deegaanka Kala Beer ee gobalka Hiiraan kaa oo la la eegtay Ciidamo iskugu jira Soomali iyo Etoobiyaan.
Gudoomiye ku xigeenka dhinaca Amaanka gobalka Hiiraan Axmad Cismaan Inji ayaa Warbaahinta waxa uu sheegay in 2 qof o shacab ah ay ku dhaawacmeen Qaraxii maantay asagoona meesha ka saaray in ay jiraan qasaaro soo gaaray ciidamadda Etoobiyaanka iyo Soomaalida iskugu jira.
Dhanka kale Xarkadda Al-Shabaabayaa sheegatay mas’uliyadda qaraxii maantay ayagoona sheegay in ciidamo Etoobiyaan ah oo gaaraya 5 in ay dileen halka 7 kalana ay dhaawaceen oo ay ku jiraan Ciidamadda Soomalida ah.
Majiaan ilo kamadaxbanaan oo si rasmi ah u xaqiijinaya Qasaaraha rasmiga ah ee uu geestay Qaraxii maantay ka dhacay deegaanka kalabeerka oo isku xirta deegaanadda Gobaladda dhexe iyo kuwa Koonfureed.