Kadib safar uu ku tagay dalka Turkiga Wasiirka Wasaarada Boostada iyo Isgaarsiinta ahna wasiirka Warfaafinta C/llaahi Ciilmooge Xersi ayaa waxa uu maanta dib ugu soo laabtay magaalada muqdisho ee Xaasimada Somalia.
C/llaahi Ciilmooge Xersi ayaa waxa kusoo dhaweeyey garoonka diyaaradaha Adan Cadde Airport mas’uuliyiin katirsan dawlada Somaliya uuna hogaaminayey agaasimaha wasaarada warfaafinta C/risaaq Cali Yuusuf (Bahlaawi) ayaa kadib nasasho waxa uu qabtay shir jaraa’id.
Wasiirka Warfaafinta Somalia C/llaahi Ciilmooge Xersi ayaa waxa uu sheegay inay kasoo qeyb gleen shir waddamada islaamka oo ka dhacay magaaalada Istanbul ee Dalka Turkiga.
Ciilmooge waxa uu sheegay in si wanaagsan loo amaanay Xukuumada Cusub ee Somalia iyo qaabka loo soo xulay baarlamaanka iyo golaha wasiirada si gaar ahna loo amaanay haweenka wasiirada noqday.
Wasiirka waxa uu sheegay in Dawlada Turkiga ay uballan qaadeen mashaariic lagu hormarinayo dalka Somalia iminka ay wado 27 mashruuc oo wax qabad iyo hayrin usameyneya waddanka Somalia.
Hoos kadhagayso Shirka Jaraa id ee Wasiirka Warfaafinta somaliya
DHAGEYSO-CODKA WASIIRKA-WARFAAFINTA-SOMALIYA C/llaahi Ciilmooge Xirsi