Sida ay sheegayaan wararka ka imaanaya degmada Afgooye waxaa halkaasi ka soconaya howgalo ballaaran oo ciidamada dawlada kasameynayaan kadib qarax xoogan oo halkaasi ka dhacay.
Qaraxa oo ahaa bambaanada gacanta laga tuuro ayaa waxa lala beegsaday ciidamo katirsan kuwa dawlada Somalia gaar ahaan kuwa nabad sugida waxaana uu dhacay xalay xilli ay wadada dhinaceeda marayeen.
Lama sheegin khasaaraha gaaray ciidamadii lagu weeraray qaraxa inta uu la eg yahay hase-ahaatee dad goob joogayaal ah waxay ku waramayaan in dhaawacyo soo gaareen ciidamada ayna arkeen iyagoo dhiig ka daadanaya.
Gudoomiyaha Degmada Afgooye oo xiriir aan la sameynay ayaa ka gaabsaday ka hadalka Khasaaraha inta uu ogyahay qaraxii xalay ka dhacay degmada Afgooye waxaana uu sheegay in amaanka la sugi doono.
Waxaa saaka ciidamada Dawlada ka wadaan xaafadaha degmada Afgooye howlgal lagu xaqiijinayo amanaka siday sheegeen islamarkaana lagu baadi goobayo kooxihii ka dambeeyey qarax xalay ka dhacay degmadaasi.
Afgooye oo gobolka sh/hoose degmooyinkeeda ka mid ah ayaa waxay gacanta ugashay afar bilood ka hor ciidamada dawlada oo amisom dhinaca dagaalka ka gaabayeen waxaana kadib la wareegitaankoodii mararka qaar dhacayey falal mani daro sida qaraxyo iyo dilal qorsheysan oo rayidka iyo ciidamadaba lala beegsanayey.
Lasoco waxii war kusoo kordha Hadii Uu alle Idmo
Www.laanta.net