Ciidamada Amisom iyo kuwa dawlada Somalia ayaa saaka weerar xoogan waxay ku qaadeen magaalada Jowhar ee Xarunta gobolka Sh/dhexe.
Weerarka ayaa waxa taago udhigay Shabaab diidan in laga qabsadi magaalada taasi oo keentay in dagaal ilaa hadda socdo uu halkaasi daqiiqado ka hor ka bilowday.
Inkastoo dadka ku dhaqan Jowhar ay cabsanayaan hadana waxaa lasoo warinayaa in dagaalka uu xoogiisa deegaanka Booroor oo 7 km qiyaastii ujirta magaalada waxaana la maqlayaa rasaas xoogan oo labada dhinac ay is weydaarsanayaan.
Idaacadii shabaabku lahayd ee Andalus fadhigeedana uu ahaa magaalada Jowhar ayaa hawada ka baxday waxaana lagu soo waramayaa in xaaladu tahay mid aan laga sheekeyn karin.
Durba waxaa bilowday barakac ay sameynayaan dadka ku dhaqan degmada Jowhar kuwaasi oo ka cabsi qaba inay waxyeelo kasoo gaarto dagaalka hadda ka socda halkaasi.