Sunday, May 26th, 2013
Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

Daawwo Sawirada Maxaweynah Somalia oo Kulan Laqatay R.Turkiga

Published on December 7, 2012 by   ·   No Comments Waxaa Aqrisatay187

Labada Mas’uul ayaa kulankooda uga hadlay arrimo dhowr ah oo ay ka mid tahay sidii Turkiga uga qeyb qaadan lahaa dib u dhiska ciidamada xooga dalka iyo sidii loo sii wadi lahaa mashaariicda horumarineed ee Turkiga ka wado Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha Turkiga Recep Tayyib Erdogan ayaa balan qaaday in dowladiisa ay sii wadi doonto taageerida Walaalaha Soomaaliya, waxaana uu soo dhoweeyay is bedelka siyaasadeed ee ka dhacay Soomaaliya.

Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya C/xakiin Fiqi oo ka mid ah wafdiga Madaxweynaha ayaa saxaafada u sheegay in laga wada hadlay xiriirka labada dal sidii loo xoojin lahaa, isla markaana Turkiga gacan uga geysan lahaa dib u dhiska ciidamada xooga dalka iyo booliska.

Sidoo kale Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa la kulmay Gudoomiyaha Baarlamaanka Cemil çiçek dalka Turkiga, iyagoo ka wada hadlay sidii baarlamaanka Turkiga u hormarin lahaa baarlamaanka soomaaliya, isagoo uga mahadceliyay dadaalka Turkiga siinayo dowladdiisa.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa booqasho rasmi ah ku jooga dalka Turkiga, iyadoo magaalada Ankara kula kulmay madaxweynaha Turkiga Abdalla Gul, iyagoo ka wada hadlay sidii labada dal iska kaashan lahaayeen arrimaha ammaanka, siyaasada iyo dhaqaalaha.

Dowladda Turkiga ayaa ah dalka kaliya ee taageerada siiya dowladda Soomaaliya iyo shacabkeeda, tan iyo markii abaarihii ku dhifteen sanadkii hore, waxaana wali Hey’adaha Turkiga ka wadaan Muqdisho howlo sama fal.

 

 

 

 

 

Readers Comments (0)




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Heestii Ha-iraadsan

.