Wednesday, May 22nd, 2013
Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

Yaabbadanaa-Dalka New Zealand oo Eeyuhu Ay Yihiin Kuwo Kaxeeya Gadiidka (Daawo)

Published on December 8, 2012 by   ·   No Comments Waxaa Aqrisatay462

Dalka New Zealand ayaa waxaa la sheegay in eeyuhu yihiin darawalo oo ay awoodaan inay wadi karaan baabuurta islamarkaana ay si caadi ah u ka xayn karaan baabuurtaas iyagoo ay gacantoodu ay fadhiso oo aysan wax qalad ah aysan galeyn arintaas oo la yaab ku noqotey dhamaan dadka aduunka.

Arintaan la yaabka leh ayaa waxaa la sheegay inay ku guuleysteen koox u dooda xaquuqda xayawaanka islamarkaana ka soo horjeedo waxyeeleynta xayawaanka, kooxdaan oo lagu mgacaabo New Zealand Society for the Prevention of Cruelty to Animals (SPCA), ayaa dadaal iyo tababr dheer ka dib waxaa mudo 2 bilood ah gudahooda u suuro gashay in 3 eey oo dib jir ah ama ah eeyaha aysan cidana lahayn ee banaanka wareego inay eeyahaas ay u tababaraan darawalnimo oo ayna ka xeyn karaan baabuur iyagoona marshada badali kara, sheelahana ku taagsanaayo islamarkaana isteerinka baabuurka xakumi karo arintaas oo run ahaantii ay dadka oo dhan ay ku noqtey yaab iyo wax aan la rumeysan karin.

Ugu dambeyntiina kooxdaan oo ujeedka ay ka lahayd arintaas ay ahayd in eeyaha dibad wareega ah aysan ka liidan kuwa ay dadku guryaha ku heystaan maadaama ay dadku qaar aaminsan yihiin inay eeydaas yihiin kuwo madax adag oo aan dhageysaneynin dadka heysta taasina ay keentay inay waayaan cid dhaqaaleysata oo heysata, kooxdaan ayaa waxay fillayaan inay arintaan ay soo bandhigeen ay wax ka badasho fikrada ay dad badan ka qabeen eeyahaas duur wareega ah taasna ay keento in hada ka dib la daryeelo oo fiiro gaar ah looyeesho, Qaar ka mid ah eeydaas darawaliinta ah ayaa waxaa la filayaa in todabaadka soosocdo ay soo bandhigaan darawalnimadooda iyadoona si toos ah looga daawan doono telefishinka dalkaas New Zealand

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 


Readers Comments (0)




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Heestii Ha-iraadsan

.