
Wargeysta The Standard ee kasoo baxa Nairobi ayaa qoray isagoo soo xiganayo saraakiisha Booliska in qaraxu ahaa mid wadada dhinaceeda lagu aasay, inkastoo dadka ku tukuday Masjidka ay siyaabo kala duwan ugu hadleen.
Dadka ku dhaaawacmay ayaa waxaa loola cararay Isbitaalka Afueni ee ku yaal magaalada Nairobi, iyadoo dadka dhaawacmay qaarkood dhaawacooda ahaa mid daran.
Lama oga ujeedada qaraxa in uu ahaa mid lagu bartimaameedsanayay Madaxda deegaanka Soomaalida ee ku tukaneysay Masaajidka iyo in kale.
Waa qaraxii Labaad ee mud 24 saac gudahood ka dhaco Xaafadda Soomaalida degto ee Islii, iyadoo qaraxani midkii ka horeeyay uu dhacay xalay, waxaana ku dhintay hal qof, Sideed kalena wey ku dhaawacmeen.