ildhibaanka deegaanka Kaamakunji Yuusuf Xasan ayaa waxaa dhaawac xooggan uu kasoo gaaray qaraxii caawa ka dhacay xaafada Islii ee magaalada Nairobi.
Qaraxan ayaa waxaa looga shakisan yahay inuu ahaa miino loo aasay gaariga xildhibaanka oo kasoo baxayay masjidka Alhidaya ee magalada Nairobi.
Maxamed Ismacil Shiine oo kamid ah Xafiiska Xildhibaan Yuusuf Xasan ayaa sheegay in haatan mudahana dhaawaciisa loo qaaday isbitaalka weyn ee Aga Khan halkaas oo lagu daaweynayo.

Waxaa uu sheegay in xildhibaanka uu ka jabay labada lugood iyo gacan, waxyeelo kalana ay soo gaartay haatana ladaaweynayo.
Sidoo kale Shiine ayaa fah faahin ka bixiyay qaabka uu udhacaya qaraxaas iyo nooca loo malaynayo inuu ahaa qaraxan .
Dadkan oo isugu jira Soomaali iyo Kenyan ay dhibaato dhanka nolosha ah haysato ayaa waxaa uu isugu yeeray meel gaar ah isagoo uqeybiyay deeq lacageed iyo mucaawino kale.
Isagoo lahadlayay dadkii masaakiinta ahaa ee uu mucaawinada uqeybiyay ayaa Yuusuf Xasan Waxaa uu sheegay inuu ka xun yahay dhibaatada haysata dadkaas.
Yuusuf Xasan ayaa ah mudanihii ugu horeeyay ee laga soo doortay deegaanka Kaamakunji oo ah halka ugu badan ee ay Soomaalida ka degan tahay Nairobi.
Asalamalaikum, This is a very sad state of affair and so unfortunate it had to happen to such a nice gentleman. I wish him a quick recover and all the best in his new position. I did vote for him and would very much like to work with him in making the people of Eastleigh proud for chosing him