Waxaa garoonka diyaaradaha Adan Cadde Airport ee magaalada muqdisho kusugan iminka Mas’uuliyiin katirsan Dawlada Somaliya iyo wariyeyaasha ka howlgala magaalada Muqdisho iyo warbaahinta dibada qaarkood.
Waxaa la sheegay in la sugayo maanta inay kusoo laabtaan dalka Somaliya Caasimada Muqdisho Wafdigii uu hogaaminayey madaxweynaha Somalia Xasan Shiikh Maxamuud kaasi oo la sugayo inay soo dagto diyaaradii ay la socdeen.
Turkish Airways ayaa waxa la sheegay inay kasoo qaaday Wafdiga saaka garoon diyaaradeed kuyaalla Magaalada Istanbul waxaana waqtiyo dhaw lagu wadaa inay soo cago dhigato magaalada Xamar.
Mas’uuliyiin Xildhibaano,wasiiro,gudoomiyaha Baarlamaanka iyo Ra’iisalwasaaraha ayaa lagu wadaa inay garoonka kusoo dhaweeyaan wafdiga uu hogaaminayo madaxweynaha Somalia.
Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud ayaa waxa uu maalmihii dambe kusugnaa dalka Turkiga halkaasi oo kulamo kala duwana uu lasoo qaatay madaxda dawalda Turkiga.
Wafdiga ayaa markii ay kasoo dagaan garoonka Adan Cade airport ayaa waxa lagu wadaa inay saxaafada sh