Kooxihii isbaarooyinka ay wadooyinka dhexdooda u aali jireen ee sida xoogga ah looga burbuiyay ayaa waxa ay bilaabeen in badan oo kamid ah in isbaaradii maadmaada markii horaba ay aheyd xoola shacab oo laboobayo, hadana ay boobka ka siiwadaan gudaha xaafadaha qaar.
Askarta ayaa waxa ay si qasab ah uga qaadanayaan dadka lacaga ay wataan, mobile-lada iyo dhamaan wax kasta oo qarash noqon kara oo dadku wataan,waxa ayna dilaan xitaa qofkii ka dhega adeyga inay bixiyaan xoolahooda.
Shacabka ku nool degmada Kaxda ee koofurta gobalka Banaadir ayaa waxa ay yihiin kuwa ugu cabshada badan xilligaan, waxa ayna sheegeen in dhibka hada heesta uusan heysan xilligii Isbaaradu caadiga aheyd.
Mid kamid ah shacabka degmadaasi ayaa waxa uu sheegay in boobka lagu hayo degaankooda uu waqtiga habeenkii uu aad u daranyahay waxa uuna ka codsaday dowlda Soomaaliya in ay ka qabato kooxahaan dilka boobka iyo handadaada kuwada.
Dowlada Soomalaiya ayaan iyadu wax istaraatiijiyad lataaba karo ah u dejin ragii isbariisytaasha ahaa ee ay cagta kamariyeen ishooda dhaqale,waxaana dadka falanqeeya arimaha dalalka rashaduhu kajiraan ay sheegayaan in hadii ay sii socoto arintaan ay ka dhalan karto arimo bini aadninimo oo kahatar ah.