RAGOOW GUURKU WAA SADDEX NOOC
Published on December 8, 2012 by News24 · No Comments
Waxaa Aqrisatay188
Guurka waxaa uu ka mid yahay wax yaabaha ay Soomaalidu aadka u Qadariso, isagoo laga eego meelo Fara badan , guurku waxaa uu ka mid yahay wax yaabaha ugu badan ee Qof walbo uu ku hamminaayo in uu mar uun helo, Guurka waxaa laga Tiriayay Gabayo badan , Heeso badan ,iyo Sheekooyin badan .
Guurku waxa uu ka mid yahay wax yaabaha ugu hadal heenta badan Bulshada Somaaliyeed iyagoo micnooyin badan ama sheekooyin badan ka sameeyay, sida
“Guur ama Gaabs” “Guurku God Mugdi ah oo Gacan loo deestay” “ Guurku waa nasiib” “Guurku waa ul meel mugdi ah lagu tuuray” “Haddaad ammaan doonaysona dhimo,Haddaad caay doonaysana guurso” “Guurku marka horre waa sina dhuubanyahay, gadaalna waa sino balaartaa”.
Guurku waa calaf cawo iyo nasiib Qof walbo waxa uu helaayo waa nasiibkiisa ,Somaalidu waxay tiraahdaa Calafkaada Cagaa lagu daraa.
Ragoow Guurku waa Sadex nooc sida ay sheegayaa indheergaradka ku xeel dheer dhaqanka Soomaaliyeed intooda badan ay qabaan, sidaan ayay ku Qeexeen Guurka.
1-EED GUURSO, 2- OOYIN GUURSO, 3-INKAAR GUURSO
Waa Sadexdaan Qaybood , bal aan kala qaadno sidaan ayay odayada dhaqanka guurka ku xeel dheer ay ku sharxeen
1-EED GUURSO waa marka aad guursato Qof aan isku Qabiil ahayn oo Somaali aad isla tihiin oo kaliya Labadaan qof inta ay noolyihiin waxaa taagaan doonto EED inta badan laba Qof ay is eedaan iskuna eedaan hadii aan Qoladaada ahaan lahaa sidaan iima gasheen ama sidan iima quurteen iyo Eed tiro badan labadaan qof waxaa dhex maro Eed oo dhibka haysto waxaa uga badan eed kani waa nooca Eed guurso
2- OOYIN GUURSO waa marka laba qof oo ilmo adeer ah ay is guursadaan intooda badan ooyin ayaa dhextaalo oo qof haduu carooda waa la soo celinayaa oo ilmo adeer ayaa kula dhex jirto oo qof xor ah majiro oo ooyin baa u taalo labadaan dhexdooda waa ooyin guurso mar kaad ilma adeertaa guursato Noocaan waa ooyin guurso
3- INKAAR GUURSO waa ina ABTIDAA Hadii aad guursato inta ABtidaa waxaa Qatar ugu jirtaa hadii aad isku dhacdaan gabadhaan abtigaa dhalay in Abti uu ku habaaro waxaana inta badan dhacdo habaar tan waxaa lagu sheegay INKAAR GUURSO waa ina abtidaa
Sadex daan waxaa ugu wanaagsan in aad guursato EED maxaa yeelay uun waxaad helaysaa Eed wax dhib kaloo ku soo gaaraayo majirto
Hadii nasiibku kuu diido in aad hesho eed guursato waxaa ku xigo OOYIN GUURSO lakiin hadii tan aad weyso iska ilaali in aad guursato ina ABTIDAA hadii calaf kuu galo waxaa lagaa rabaa in aad iska ilaaliso habaarka
Hadaba Adigoo ah Aqristaha Sharafta leh, haddii aad xaasleedahay tee nasiib uheshay EED, OOYIN, INKAAR
HADII AAD EED HAYSATO WAXAAD HAYSATAA FAA IIDO DHAN Boqolkii 97%
HADII OOYIN AAD HAYSATO WAXAAD HAYSATAA FAAIIDO DHAN Boqolkii 87%
INKAAR HADII UU CALAF AY KUU NOQOTO WAXAAD HAYSATAA LA TIRO, TAN HORE HADII HABAARKA ABTI AAD KA FAKATO Waxaad Haysataa Boqolkii 77%
TAN XIGTANA HADII HABAARKA ABTI KU HELANA WAXAAD HAYSATAA Boqolkii 0% MARKA KAN AYAA UGU FAAIIDO YAR GUURKA