Diyaarad xamuul wada oo kaduushay magaalada Muqdisho Subaxnimadii Sabdiga ayaa waxa ay kadegatay garoonka Ugaas Khaliif ee magaalada B/weyne ee xarunta goblka Hiiraan.
Xildhibaanno kasoo jeeda gobalka Hiiraan, Fanaaniin iyo shacab badan ayaa diyaaradaan iyaga oo jadbeysan waxa ay karaaceen garoonka Aadan Cadde ee Muqdisho waxa ayna si nabad ah ugu degatay garoonka Ugaas Khaliif, sida uu xaqiijiyay Gudoomiye kuxigeenka gobalka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya.

Wararku waxa ay intaa kudarayaan in diyaarada manta gaartay B/weyne ay isbuuciiba laba maalin oo kala ah Arbacada iyo Sabtiga ay kutegi doonto Hiiraan safarro caadi ah.
Diyaarad rakaab wada oo Ugaas Khaliif air port kadegta waxaa u danbeysay afarsano kahor, waxaana dib u howl gelida diyaaradaha rakaabka ee tegijiray garoonkaasi soo dhaweeyay dhamaan dadka kasoo jeeda gobalka.
Intii ay gacanta kuhayeen Al-shabaab magaalada B/weyne kumadegin wax diyaarad ah, mana jirin sidoo kale diyaarad shacab oo kudegatay garoonkaas tan iyo Markii dagaalamayaaasha Shabaab xoogga looga saaray.