Saturday, May 25th, 2013
Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

Xulka Uganda oo mar kale ku guuleystay tartanka bariga iyo bartamaha Afrika

Published on December 8, 2012 by   ·   No Comments Waxaa Aqrisatay105

Sabti, 08-12-2012.

Wadanka Uganda ayaa ku guuleystay koobkii bariga iyo bartamaha Afrika ee ka socday magaalada Kampla ee Dalka Uganda markii ay caawa 2-1 ku garaaceen xulka Kenya.

Wiilasha Cranes lagu naaneyso ee Uganda ayaa garacay wiilasha Harambee lagu naaneyso ee Kenya waxaana ay Uganda guusha xaqiijisay daqiiqadii 89-aad markii uu gool u dhaliyay xiddigooda khadka dhexe Geoffrey Baba Kizito oo ciyaarta ka dhigay 2-1.

Uganda ayaa difaacaneysay koobkan markii ay sanadkii hore qaaday waxaana ay hadda qaadeen markii 13-aad Taariikhda.

Wadanka lagu magacabo Zanzibar ayaa soo galay booska sadexaad ee tartankaan markii ay rigoorayaal 6-5 ah ku garaaceen Tanzania.

Laanta.net

Sports-News

Readers Comments (0)




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Heestii Ha-iraadsan

.