Pedro Mendonca Pinto wuxuu ku dhashay 28-kii bishii Janaayo sanadkii 1975-kii magaalada Lisbon ee caasimada dalka Portugal . Petro Pinto waa Wariyaha Sportiga ee Telefishinka CNN-ka u fadhiya magaalada London iyo guud ahaan dalka ingiriiska wuxuuna sidoo kale uga soo waramaa ciyaaraha ka dhaco Qaarada Yurub.
Petro Pinto waxa uu wax ku soo bartay Iskuulka AISL (American International School of Lisbon) ka dibna wuxuu u wareegay Jaamacada University of North Carolina gaar ahaan Jaamacada gobolkaas ugu weeyn ee magaalada Charlotte. Petro Pinto Aaabihiis waa (economist) Hooyada dhashayna waa Macalimad dadka wax ku barto Luuqada Portuqiiska (a Portuguese language teacher).
Masuulkaan waxaa lagu eedeeyay in uu yahay Taageere is qarin waayay oo aad u jecel xiddiga Qaranka Portugal iyo kooxda Los Blancos Real Madrid Cristiano Ronaldo dos Santos Aveiro.Wariyahaan waxa ay mar hore Safaaradaha kala qaateen Taageerayaasha Laacibiinta kala ah Wayne Mark Rooney, Lionel Messi, Zlatan Ibrahimovic, Andres Iniesta iyo Robson de Souza Robinho.
Mararka qaar dadka waxaa La Yaab ku noqotay Wariye Petro Pinto oo faaniya Ciyaaryahan Cristiano Ronaldo iyada oo ay jiraan Laacibiin fara badan oo horyaalada Caalamka goolal aad u qurux badan ka dhaliyay gaar ahaan horyaalka dalka Spain ee La Liga. Wariye kasta waxaa muhiim ah in uu kala saaro shaqada uu Bulshada u hayo iyo mida Taageeronimo ee uu u hayo dalkiisa hooyo iyo Shaqsiga uu Taageeraba.
Mararka qaar Petro Pinto Telefishinka caalamiga ah ee CNN-ka waxa uu ka dhigay meel looga sheekeeyo Taariikhda ciyaaryahan Cristiano Ronaldo oo kaliyah iyada oo ay joogaan Laacibiin kale oo aad u kacsan.
Ciyaaryahan Cristiano Ronaldo oo Wareeysigaan arimo badan oo muhiim ah ka hadlay mar la weeydiiyay ciyaartooyda uu shaqsi ahaan jecel yahay waxa uu sheegay in uu taageero Xiddigaha Madoow ee kala ah Michael Jordan, Tiger Woods iyo Mike Tyson.
halkan Hoose Kadaawo