Nin u dhashay Dalka Brazil ayaa ku fashilmay isku day uu ku doonayay in uu kaga baxsado Xabsi uu ku xirnaa iyadoona fashilka ku dhacay ay usii dheertahay in ay gaareen dhaawacyo Xanuun badan
Sawiro laga soo qaaday Ninkan ayaa muujinaya isaga oo qeyb kamid ah xubnihiisa kala baxay Darbi uu dalool yar ka dumiyay balse qeybo kale oo jirkiisa ah gaar ahaan Qaarka dambe uu kala bixi waayay maadama duleelka uu ka baxayay uu aad u yaraa.
Maxbuuskaan oo lagu magacaabo Rafiiniil Flako ayaa waxaa howsha baxsadka ah kula jiray laba kale oo saaxibadiis ah, waxaan ay usuura gashay mid kamid ah Saaxiibadiis oo ahaa nin caato ah in uu ka baxo Duleelka Balse Rafinil uu ku fashilmay maadaama uu ahaa nin xoog leh oo qaarka dambe u weyn.
Saxiibada kale Raafiiniil oo iyana quustay ayaa ugu wacay booliiska si ay saxiibkood u badbaadiyaan , durbadan waxaa loo qaaday cusbitaalka si looga daweeyo jab ka soo gaaray feera xiligii uu hoosha isku dayga baxsadka ah ku jiray.



