Weeraryahanka Reer Holland Robin van Persie ayaa gool Laad xor ahaa oo uu dhaliyay waqtigii ee lagu daray ciyaartii Manchester City iyo Man United ee Horyaalka Ingiriiska waxa ay guushii 2-3 u xaqiijisay Man United.
Ciyaartan oo aad u kululayd, isla markaana ahayd (Derby Manchester) ayaa ka dhacday garoonka ‘Etihad Stadium’ ee Manchester City, waxaana Man City oo lagala hor maray laba GOol oo uu United u dhaliyay Wayne Rooney ay gadaal dambe ka soo noolaadeen, iyagoo ciyaartii ka dhigay barbar dhac 2-2 ka hor intii uusan van Persie ciyaarta uusan dhalin goolkii niyad jabka.
Wayne Rooney ayaa laba gool oo aad u macaan waxa uu dhaliyay daqiiqadihii 16-aad iyo 29-aad ee qaybtii hore ee ciyaarta, waxaana lagu kala nastay 2-0 oo ay ku horreysay United.
Qaybtii labaad ee ciyaarta ayaa Man City dadaal dheeraad ah oo ay sameeyeen waxaa Yaya Toure uu si wacan u dhameystiray kubbad uu bannaanka soo dhigay Tevez daqiiqaddii 60-aad, waxaase qaqalkii United ka sii faa’iidaystay Zabaleta oo gool bannaanka uu ka soo laaday iyadoo cidina taaban uu dhinac maray goolhayaha Man Utd De Gea shabaqana galay daqiiqaddii 86-aad.
Van Persie ayaa gool laad xor ah (free kick) ku soo khatimay ciyaarta waqtigii dheeriga ahaa ee lagu kordhiyay ciyaartani, taasoo 3-dhibcood ugu hor seeday kooxdiisa Man U oo haatan hoggaanka Horyaalka Ingiriiska ku haysa 6-dhibcood oo nadiif ah.
United ayaa boos fiican ka taagan Horyaalka Ingiriiska iyadoo xilli ciyaareedkan horey uga soo adkaatay kooxaha Liverpool, Chelsea iyo Arsenal.
Dhammaadkii ciyaarta Rio Ferdinand oo u dabaal degaya goolkii van Persie ayaa isha lagala helay wax ay suu tuureen taageeraasha Man City, iyadoo la arkayay dhiig ka dareerayay isha Ferdinand.
















