Sunday, May 26th, 2013
Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

Inter Milan oo iska reebtay Napoli gashayna kaalinta labaad ee Serie A Talyaaniga

Published on December 10, 2012 by   ·   No Comments Waxaa Aqrisatay532

Kooxaha Inter Milan iyo Napoli oo ku wada dagaallamayay kaalinta 2-aad ee Horyaalka Talyaaniga ayaa ciyaar aad u xamaasad badnayd ku wada yeeshay garoonka Giuseppe Meazza ee magaallada Milano, waxaana 2-1 loogu awood sheegtay kooxda Napoli.

Guushani yididiilo wanaagsan oo dhinaca hanashada Horyaalka Talyaaniga ah gelinaysaa kooxda Inter oo kaalinta 2-aad isku cariirisay iyadoo leh 34-dhibcood, halka Napoli oo ay ka tuurtay kaalinta 3-aadna ay leedahay 33-dhibcood.

Goolasha Inter waxaa u kala dhaliyay Fredy Guarín daqiiqaddii 8-aad iyo Diego Milito daqiiqaddii 39-aad, halka gool caato ah uu Napoli u dhaliyay Edinson Cavani daqiiqaddii 54-aad ee qaybtii labaad ee ciyaarta.

Horyalyalka Talyaaniga ayaa waxaa hoggaanka u heysata kooxda Marwada duqda ah ee Juventus oo ku horkacaysa 38-dhibcood, halka Inter Milan oo gashay kaalinta labaadna ay leedahay 34-dhibcood.

laanta.net

Sports

Readers Comments (0)




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Heestii Ha-iraadsan

.