Cidna ugama baahna inay tiraahdo boqorkii goolasha maxaa yeelay dadka oo dhan waa uu ku qasbay Messi kaddib markii uu jabiyay Rikoorkii goolasha ee u yaalay Muller.
Lionel Messi ayaa ciyaartii xalay ee Real Betes iyo Barcelona 1-2 ku idlaatay waxa ay u ahayd habeen taariikhi ah oo uusan weligiis hilmaali doonin kaddib markii uu jebiyay Rikoorkii ciyaaryahankii ugu goolasha badnaa taariikhda Kubadda Cagta ee Gerd Muller.
Kulankaan oo ahaa midkii 15-aad ee Horyaalka La Liga-ha Spain ayaa Messi waxaa 2-gool oo uu ka dhailyay Betes uu ku noqday laacibka ugu goolasha badan caalamka maadaama sanad gudihiisa uu ku dhaliyay 86-gool, waxaana halkaasi uu ku jebiyey Rikoordkii 85-ka gool ee 40-ka sano la jebin waayay ee uu dhigay laacibkii hore ee Jarmalka Gerd Muller 1972-kii.
86-kaasi gool ayaa Messi loo xisaabiyay sanadkaan goolashii uu u dhaliyay xulkiisa Argentina iyo Barcelona.
Guushani Betes ayaa waxay sidoo kale Barcelona u ahayd guushii ugu horreysay ee ay Real Betes kaga gaaraan garoonkeeda (Estadio Benito Villamarín) muddo 7-sanadood ah kaddib.
Xiddiga Argentina ayaa labada gool ee uu taariikhda ku galay waxa uu kala dhaliyay daqiiqadihii 16-aad iyo 25-aad, iyadoo goolka qura ee Betes-na uu daqiiqaddii 39-aad u dhaliyay Ruben Castro.
Lionel Messi oo loo saadaalinayo in markii 4-aad ee isku xigta uu ku guuleysan doono kubadda Dahabka ah ee ‘Ballon d’Or 2012? ayaa waxa uu haatan hoggaaminayaa gool dhalinta Horyaalka Spain isagoo leh 23-gool.
laanta.net
Sports