Sunday, May 19th, 2013
Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

Manchester City oo raali galin ka bixisay dhaawicii Rio Ferdinand

Published on December 10, 2012 by   ·   No Comments Waxaa Aqrisatay187

Kooxda Manchester City ayaa raali galin gaar ah u dirtay daafaca kooxda Manchester United Rio Ferdinand, markii ay dhaawac madax ah gaarsiiyeen wax yaabo ay soo tureen tageerasheeda kulankii dhexmaray labada Manchester maalintii shalay.

Rio Ferdinand ayaa dabaal dag ka bad badis ahaa sameeyay markii uu waqtigii dhimashada gool u dhaliyay kooxdiisa Van Persie, waxaana intii uu dabaal dagga ku jiray lagu soo tuuro wax yaabo loo malynayo inay yihiin lacagta birta ah ee (Shilin) waxaana kasoo gaaray dhaawac, iyadoo la arkayay dhiig badan oo ka socda wajigiisa.

Confrontation: A City fan ran on to the pitch to get to Rio Ferdinand but was held back by goalkeeper Joe Hart

Tageere kale ayaa u soo baxsaday in uu si bareer ah wax u gaarsiiyo daafaca Man United Rio Ferdinand, waxaase ka hor tagay oo celiyay gool haye Joe Hart oo shabaqa u laaliyaha kooxda City.

Ferdinand ayaa boggiisa Twitter-ka ku qoray inay muhiimadu ahayd sadexda dhibcood ayna kooxdiisu heshay.

Kooxda Man City ayaa raalin galin gaar ah u dirtay Daafa kooxda Manchester United ee Rio Ferdinand kaddib dhaawicii uu gaarsiiyey mid ka mid ah taageerayaashooda.

Laanta.net

Sports-News

Readers Comments (0)




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Heestii Ha-iraadsan

.