Madaxweynaha Soomaaliya Xasan sheikh ayaa saacadihii la soo dhaafay markii uu ka soo laabtay dalka Turkiga, waxaa la arkayay Gacanta midig asaga oo ay u duuban tahay.
Wararka ayaa sheegaya in Madaxweynaha gacanta midig uusan wax ku salaami Karin taas oo saxaafada aragtay markii uu ka soo laabtay Turkiga, oo uu ka soo dagay garoonka Muqdisho asaga oo ku Wargalinaya dadka in uusan ku salaami Karin oo gacanta wax ka gaareen.
Madaxweynaha ayaa la sheegay in gacanta ay ka murgacatay intii uu u soo socday Somaliya daraad oo uu soo raacayay diyaarada gaarka ah, mana jiraan wax arintaas ku aadan oo faah faahin ah balse waxaa la sheegay in madaxweynaha gacanta uu dhaawac fudud ka soo gaaray.