Friday, May 24th, 2013
Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

Deg Deg-Wafdii uu Hogaaminyo Wasiirka Difaaca Somalia oo Garay Jowhar iyo sarkiisha Ciidanka oo

Published on December 10, 2012 by   ·   No Comments Waxaa Aqrisatay123

ubno uu horkacayo Wasiirka Wasaarada Gaashaandhiga Xukuumada Somaliya C/xakiin Xaaji Maxamuud (Fiqi) ayaa wafdi hogaaminayo ayaa goor dhaweyd waxay gaareen magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Sh/dhexe.

Wasiirka ayaa wareysi uu siiyey Raadiyaha Dawlada Somalia ayaa waxa uu sheegay in ciidamada dawlada Somalia iyo kuwa Amisom ay gaareen deegaano hoostaga gobolka sh/dhexe.

C/xakiin Fiqi ayaa tibaaxay inay qorsheynayaan mar dhaw inay gaadiid ku dhex maraan gobollada dalka Somalia islamarkaana ay ciidamadu ka saari doonaan shabaab deegaanada kale ay kusugan yihiin gobollada dalka.

“Jowhar oo shalay ciidamada xoogga iyo kuwa amisom kusugan yihiin baan kusuganahay marka waxaan isleenahay ciidamada waxaan leeyahay dadaalka hasii wado ayuu yiri Wasiirka gaashaandhiga”.

Wafdiga Wasiirka gaashaandhiga Somaliya ayaa waxay wali kusugan yihiin magaalada Jowhar sida qorshaha uu yahayna waxaa laga yaabaa inay usii gudbaan dhinaca degmada Mahadaay ee gobolka Sh/dhexe.

Readers Comments (0)




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Heestii Ha-iraadsan

.