Saturday, May 25th, 2013
Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

Ururka Xamaas oo Caruur Hubeeysan soo bandhigay una dabaaldegay sanadguuradii 25-aad (Daawo Muuqaal+Warbixin)

Published on December 11, 2012 by   ·   No Comments Waxaa Aqrisatay169

Ururuka xornimo doonka Falastiiniiyiinta ee Hamaas oo aalaaba la dagaalama Dawlada Israiil ayaa u dabaaldegay sanadguuradiisii 25-aad waxaana xuskaan ka soo qeeyb galay in ka badan 100.000 oo Falastiiniyiinta Xamaas taageersan ah kaas oo ka dhacay xaafada Katiba oo ku taala magaalada Gaza. 

Xuskaan ayaa waxaa sidoo kale si cabsi la´aan ah uga soo qeeyb galay madaxda ugu sareeysa ururka Xamaas gaar ahaan Hogaamiyahooda Mr.Khaled Mashal oo mudo aad u fog dibad joog ka ahaa dhulka Falastiiniyiinta wuxuuna carabka ku dhuftay in ay xoreeyn doonaan guud ahaan dhulka Falastiiniyiinta ee weli gacantooda ka maqan.

Intii ay socotay Xaflada dabaaldega ururka Hamaas waxaa goobtaas lagu soo bandhigay Caruur aad u yar yar oo muuqaal ahaan Hubeeysan iyo Gantaalo lagu sheegay kuwii ay iskaga dhiciyeen ciidamada Yahuuda ee dawlada Israaiil.

 

 

HALKAN RIIX SI-AAD UDAAWATO URURKA XAMAAS OO SOOBANDHIGAY CARUUR

Readers Comments (0)




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Heestii Ha-iraadsan

.