Sunday, May 26th, 2013
Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

Baaritaano ka Soconaayo Degmada Jowhar ee Xarunta Shabelada Dhexe

Published on December 11, 2012 by   ·   No Comments Waxaa Aqrisatay77

Magaalada jowhar ee xarunta shabelada dhexe ayaa waxa maantay ka soconaayo baaritaano kuwaas oo lagu xaqiijinaayo amaanka xaafadaha magaalada jowhar oo dhawaan ay la wareegeen Ciidmada dowlada soomaaliya iyo kuwa AMISOM oo isbaheysanaayo.

Maxamed Amiin Caaqil oo ah Guddoomiyaha Jowhar ayaa xusay in howlgaladan ay siwada jir ah u fuliyeen Ciidamada dowladda iyo AMISOM, waxaana uu intaasi ku daray in looga goleeyay xaqiijinta Amaanka Magaalada Jowhar ee Xarunta gobolka Sh/dhexe.

Dhanka kale Guddoomiye Max’ed Amiin Caaqil ayaa sheegay in Al Shababa aysan awood u laheyn in ay weerar ku soo qaadaan Magaalada Johar, madaama maamulka magaalada iyo Ciidamada dowladda ay ka baaraan dageen talabaaba kasta oo waxyeeleyn karta xasiloonida Magaalada.

Shalay ayaa waxaa booqday Magaalada Jowhar Wasiirka Gaashaandhigga dowladda Soomaaliya kaasi oo sheegay in halkaasi lageeyay Ciidamo ka socdo Nabad Sugidda Qaranka Soomaaliyeed.

Readers Comments (0)




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Heestii Ha-iraadsan

.