Sunday, May 26th, 2013
Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

Ciidanka Wajiga Daboolan ee Alpha Group oo Sakay Lagu Arkay Magalada Jowhar -Daawo

Published on December 11, 2012 by   ·   No Comments Waxaa Aqrisatay258

Ciidamada Nabad sugida Dowlada Soomaaliya gaar ahaan kuwa Alpha Group loo yaqaan ee afka duuban ayaa saakay Howlgalo balaaran waxa ay kawadaan Xaafadaha kala duwan ee Magaalada Jowhar ay Maalin kahor la wareegeen Ciidamada Dowlada iyo kuwa AMISOM.

Howlgalka ayaa la sheegay in uu yahay mid lagu raadinayo haraadiga Al-Shabaab ee kusugan Magaaladaasi iyo hadii ay jiraan Wxayaabaha qarxa iyo hub magaalada looga tagay , waxa uuna hool galka kasocdaa Xafadaha kala duwan ee Jowhar.

Dad goob joogayaal ah ayaa soo sheegaya in tiro dad ah lagu qabtay saakay Howlgalka inta uu socday inkastoo aan la sheegi Karin tirade rasmiga ah ee la qabtay maadama wali uu Howlgalku yahay mid soconaya.

Maamulka Dowlada ee Gobolka Sh/Dhaxe ayaa sheegay in Howlgalka saakay kasocda Jowhar yahay mid lagu xaqiijinayo Amaanka magaalada kadib markii ay kabaxeen Al-Shababa lana wareegeen ciidamada dowlada iyo kuwa AMISOM.








Readers Comments (0)




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Heestii Ha-iraadsan

.