Sunday, May 26th, 2013
Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

Eto’o “Waligey lama kulmin qof la mid ah Mourinho”

Published on December 11, 2012 by   ·   No Comments Waxaa Aqrisatay238

Samuel Eto’o  ayaa sheegay in qofka uu ugu jecelyahay bahada Isboortiga uu yahay macalinkiisii hore ee Jose Mourinho.

laacibkaan iyo  Macalinkiisii hore ayaa iskala soo shaqeeyay kooxda Inter waxaana laacibka madow ee xulka  Cameroon uu sheegay in waqtigiisii ugu xumaa uu soo maray markii uu kooxda ka tagat macallin  Mourinho  sanadkii 2010, markaa oo uu ku biiray kooxda Real Madrid.

“Waa qof wanagsan waan macallin taariqi ah” ayuu u sheegay Eto’o  RT.

“Inta qof ee aan adduunkaan ku arkayay wali lama kulmin qof ka wanaagsan macallin Mourinho, maxa yeelay waxa uu isku dayaa in uu sameeyo wax walbo oo niyadiis ku soo dhaco oo uu jecleysto” ayuu ku daray hadalkiisa Samuel Eto’o .

Eto’o ayaa sidoo kale wax laga waydiiyay waqtigii  Pep Guardiola ee Barcelona waxaana uuu sheegay in uu sabab u ahaa ka tagistii uu ka tagay kooxda  ku ciyaarto  Camp Nou, inkastoo uu sheegay in xiriir fiican uu la leeyahay xilligaan.

”Waxa walba wad ku arki kartaa dunida  maxaa yeelay waxaa tahay qof bini’aadam ah  taasna wa nolosha dhabta ah” ayuu yiri mar kale Eto’o.

Dhinaca kale Samuel Eto’o  waxa uu u hambalyeeyay laacibka Dunida ka yaabiyey ee Messi oo Taariikh ka sameeyay ciyaarta kubada cagta.

Laanta.net

Sports-News

Readers Comments (0)




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Heestii Ha-iraadsan

.