Sunday, May 19th, 2013
Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

Xiddigii Todobaadkan ugu wanaagsanaa Adduunka oo la shaaciyey, waa kuma?

Published on December 11, 2012 by   ·   No Comments Waxaa Aqrisatay236

Xilli adduunka oo dhan ay ka dhacaan Ciyaaro kala duwan oo qeybo kala duwan leh ayaa haddana waxaa todobaad waliba qiimeyn gaar ah lagu sameeyaa xiddigga ugu fiican todobaadkaas adduunka oo dhan, iyadoo la soo saaray xiddigii ugu wanaagsanaa todobaadkan.

Xiddigga kooxda kubaddda Cagta Barcelona iyo xulka Argentine Lionel Messi ayaa todobaadkan loo caleema saaray inuu yahay xiddiga ugu wanaagsan todobaadkan adduunka oo dhan.

Lionel Messi ayaa noqday ninka ugu badan oo hal sano dhaliyey 86-gool waxaana loo aqoonsaday (world player of the Week) xiddiga ugu wanaagsan adduunka Todobaadkan.

Ragga loo saadaalinayey inay qaadaan ama ay noqdaan xiddiga todobaadka ayaa waxay ahaayeen Cristiano Ronaldo iyo Radmel Falcao, balse taas Messi ayaa beeniyey oo ku garaacay noqdayna xiddiga Isbuuca adduunka oo dhan.

Taageerayaal kumaaan kun oo qof gaaraya ayaa ugu hambalyeeyey Messi Boggiisa Twitter-ka rikoorka taariikhiga ah ee uu jabiyey iyo inuu noqday xiddiga todobaadka Adduunka oo dhan.

Inkastoo Messi abaal marintan uu ku muteystay kulamadii Betis iyo Benfica ayaa haddana waxaa kaalinta labaad galay Radamel Falcao markii uu hal kulan kooxda Deportivo ka dhaliyey shan gool.

laanta.net

Sports-News

Readers Comments (0)




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Heestii Ha-iraadsan

.