Kooxda kubadda cagta Arsenal ee ka dhisan dalka ingiriiska ayaa soo bandhigtay lacagaha ay ku dooneyso Ciyaaryahanka garabka bidix kaga ciyaara kooxda Manchester United.
Naadiga Arsenal ayaa sheegtay inay ku dooneyso inay ku soo xero galiso £20million Xiddiga Man United ee Luis Nani, kaas oo haatan xurguf kala dhacayso naadigiisa.
Ciyaaryahanka reer Portugal ee garabka ka ciyaara ayaa waxaa shaki la galinayaa heshiiska uu la gali lahaa kooxdiisa United maadaama ay ka careysan yahay kooxda, waxaana loo badinayaa inuu Nani uu bisha janaayo ka dhaqaato United marka uu furmo suuqa kala iibsiga Ciyaartoyda.
Arsenal ayaa dooneysa in laacibkan ay badal uga dhigto ciyaaryahankeeda Theo Walcott oo loo badinayo inuu soo afmeermay Mustaqbalkiisa Garoonka Emirates ee ay ku ciyaarto kooxda Gunners.
Sanadkii 2007 ayaa Luis Nani waxa uu kaga soo biiray Man United kooxda Sporting Lispon kaasoo ay ku soo qaateen lacag dhan £14milion, waxayna United haatan ku dooneysaa Ciyaaryahanka lacag ka badan tan ay ku soo xero galiyeen.
Xiddigan oo haatan jira 26-sano ayaa dhaawac kaga maqan kooxdiisa waxaana heshiiska uu kula joogo Manchester UTD uga dhiban 18-bilood.
Waxa uu haatan Luis Nani todobaadkii ka qaataa kooxda Manchester United £90,000 isagoo doonaya in mushaarkaas loo kordhiyo oo la gaarsiiyo £130,000 balse kooxda uu hoggaamiyo Sir Alex Ferguson ayaa ka biyo diidsan talaabadaas.
Kooxda Arsenal ayaa ku qasbanaan doonta in ay ciyaaryanka u balan qaado mushaar ku filan oo uu ku qanco maadaama hadda ay Walcott siiso mushaar dhan £80,000.
laanta.net
Sports-News