Waxa Magaalada Muqdisho ee Caasimada Dalka Soomaaliya lagu soo dhoweeyey Fanaaniin uu ka mid yahay Fanaanka Khaalid Shariif Axmed (King Khalid)
Waxa sidoo kale ka mid ah fanaaniinta Soo gaaray Maanta Magaalada Muqdisho Fanaan C/xakiin Fara yare iyo Xasan Cujeer Cajame kuwaasi oo dhamaantood lagu soo dhoweeyey Garoonka diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho.
Haween ka socday degmooyinka Gobolka Banaadir oo watay boorar ay halku dhigyo ku qornaayeen, siyaasiyiin, fanaaniin iyo Ururada bulshada ayaa si diiran u soo dhoweeyay Fanaaniintan.
Fanaaniintan oo ay ku marti qaaday magaalada Muqdisho Hay’adda Wada hadalka Bulshada ee CCD ayaa xaflad soo dhoweyn loo sameeyay iyagoona sidoo kale ka ka mahad celiyey sida diiran ee loo soo dhoweeyay iyo inay dalka dib ugu soo laabtaan iyagoo faraxsan.
Fanaanka King Khalid ayaa mar uu Wariyeyaasha kula hadlayay qolka martida VIP-da ee Garoonka Aadan Cadde waxaa uu qoto dheer uga sheekeeyay ujeedada booqashadooda iyo sida ay u arkaan caasimada dalka Soomaaliya oo uu tilmaamay inay ugu dambeysay in ka badan 20-sano, wuxuuna ugu horeyntii sheegay inuu 100% ku faraxsan yahay imaatinkooda Muqdisho, isagoo intaasi raaciyay inuu si weyn ugu mahad naqayo hay’adda CCD oo uu tilmaamay inay u suuragelisay booqashadooda Muqdisho.











